Wasiirka Amniga Qaranka Israel oo ugu baaqay Netanyahu in uu ku laabto dagaalka Lubnaan
Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir, ayaa ku baaqay in dagaal buuxa lala galo Lubnaan.
Codsiga wasiirka garabka midig ee fog ayaa yimid iyadoo xabbad-joojinta Lubnaan la kordhiyay toddobaadkii hore, isla markaana wareegga xiga ee wada-hadallada nabadda la filayo in lagu qabto magaalada Washington toddobaad gudihiis.
Mr. Ben-Gvir ayaa bartiisa X ku qoray, “Waa wax aan la ogolaan Karin in caadi loo qaato diyaaradaha drones-ka ee qarxa, waxaa la joogaa waqtigii raysalwasaaraha uu miiska u gaarici lahaa Trump una sheegi lahaa in aan dagaalka ku laabaneyno”.
Wasiirka waxa uu intaa ku daray: “Waa in aan goynaa korontada Lubnaan, oo aan qabsanaa xaafadaha hareeraha magaalada, islamarkaana ku laabannaa dagaal buuxa.”
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee jaban ee ay adeegsadaan Xisbullah ayaa ah kuwa ka gudba radaarada Israel intii uu dagaalka socday, waxayna geysteen khasaare balaaran.




