Dadka laga helay Ebola ee DRC ayaa ka badan 900 sida ay sheegtay WHO
In ka badan 900 oo kiis oo looga shakiyay in ay qabaan Ebola, oo ay ku jiraan 101 kiis oo si rasmi ah loo xaqiijiyey, ayaa laga helay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu shalay sheegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus.
Sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka, arrintan ayaa timid kaddib markii dad careysan oo ku nool magaalada uu cudurka ka bilowday ee bariga Congo ay weerar ku gubeen teendho qayb ka ahayd xarun caafimaad oo lagu daweynayay bukaannada qaba fayraska. Dhacdadan ayaa ahayd tii labaad ee noocan ah ee ka dhacda aaggaas toddobaad gudahiis.
Sida lagu sheegay warbixino hore, cidna kuma dhaawacmin weerarka, balse markii bukaannadu ay carareen si ay uga baxsadaan dabka, ayey 18 qof oo looga shakisan yahay in ay qabaan Ebola ka baxsadeen xarunta welina lama hayo, sidaas waxaa sheegay agaasimaha isbitaalka.
Dad careysan ayaa habeenkii Jimcaha yimid rug caafimaad oo ku taal magaalada Mongbwalu, waxayna dab qabadsiiyeen teendho loo diyaariyey dadka looga shakisan yahay iyo kuwa la xaqiijiyey in ay qabaan Ebola, taas oo ay maamulaysay hay’adda gargaarka ee dhakhaatiirta aan xuduudda laheyn, sida uu sheegay Dr. Richard Lokudi, oo ah agaasimaha isbitaalka Mongbwalu.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa dhacdadan, maadaama ay cabsi ku abuurtay shaqaalaha, isla markaana ay sababtay in 18 qof oo looga shakisan yahay in ay cudurka qabaan ay baxsadeen.”
Khamiistii, xarun caafimaad oo kale oo ku taalla magaalada Rwampara ayaa dab la qabadsiiyey kaddib markii ehellada qof u dhintay Ebola laga hor istaagay in ay qaataan meydka.




