Soomaaliya oo si ku meel gaar ah u hakisay safarka Masar ee “OK-to-Board”

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si ku meel gaar ah loo hakiyay safarka dalka Masar lagu tagi jiray oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan “OK-to-Board”, kadib caqabado soo wajahay muwaadiniin Soomaaliyeed maalmihii lasoo dhaafay.

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 24-ka May 2026, dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed looga baahan yahay dal-ku-gal rasmi ah oo ay bixiso Qunsuliyadda Masar si ay ugu safraan Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Hay’addu waxay sheegtay inay si dhow ula socotay dhibaatooyinka iyo caqabadaha ka dhacay safarradii dhawaan loo aadi jiray Masar, taasoo sababtay go’aanka cusub ee lagu joojinayo isticmaalka nidaamka “OK-to-Board”.

Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xustay in tallaabadan ay tahay mid ku meel gaar ah, iyadoo adkaysay muhiimadda xiriirka socdaalka iyo saaxiibtinimada u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay la xiriiraan Qunsuliyadda Masar si ay u helaan dal-ku-galka rasmiga ah kahor safarkooda.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Labo habeen ka hor si xiriir ah garoonka Qaahira ee dalka Masar ku xayirmeen 35 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo qaar kood sheegay in loola tacaamulay si aan wanaagsaneeyn, waxaana ay shaaca ka qaadeen in Baasabooradoodi laga qaaday loona diiday inay soo safraan ama garoonka ka baxaan.

Soomaaliya oo si ku meel gaar ah u hakisay safarka Masar ee “OK-to-Board”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker