Qodabada uu ilaa iyo haatan ka dhawaajiyay Rubio ee ku saabsan heshiiska

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay New Delhi wax yar ka hor, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ka hadlay dagaalkii ugu dambeeyay ee Iran.

Waa kuwan waxa aan maqalnay:

  • Rubio ayaa sheegay in “horumar la taaban karo” laga gaaray heshiis suurtagal ah oo Iran lala galo, laakiin “ma ahan kama dambeys”
  • Waxa uu ku celiyay mowqifka Mareykanka ee ah “Iran waligeed ma yeelan karto hub nukliyeer ah”, isagoo ku tilmaamay fikradda ah in Donald Trump uu aqbalo arrintaas in ay tahay “wax aan macquul ahayn”
  • Waxa uu si maldahan u sheegay war wanaagsan oo ku saabsan marin-biyoodka Hormuz, isaga oo sheegay in heshiisyada 48-kii saac ee la soo dhaafay – haddii ay shaqeyaan – ay keeni karto “marin gebi ahaanba furan… iyada oo aan wax lacag ah la qaadin”
  • Laakiin, Rubio ayaa sheegay in ay wali jirto “shaqo ay tahay in la qabto”, isaga oo intaa ku daray in uu u dayn doono Trump si uu u sameeyo ogeysiisyo dheeraad ah – oo laga yaabo in uu maanta sameeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker