Marinka Hormuza ‘ma noqon doono sidii u ahaa’ dagaalka ka hor

Sida ku cad heshiis dhexmaray Maraykanka iyo Iran, marin biyoodka Hormuz “kuma soo laaban doono xaaladii dagaalka ka hor” ayay ku warantay wakaalada wararka Iran ee Tasnim.

Wakaaladda wararka ee IRGC-da xiriirka la leh ayaa soo tabineysay faahfaahinta heshiiska lala galay Mareykanka, hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku saabsan faafaahinta heshiiska.

Tasnim ayaa ku warameysa in marinkaan badda uusan dib ugu soo laaban doonin “xaaladdaas” balse tirada maraakiibta dhex mara ay dib ugu laaban karaan heerarkii dagaalka ka hor 30 maalmood gudahood.

Si kastaba ha ahaatee, waxay intaas ku dartay in Iran “ay xoogga saarayso inay awooddeeda ku bixiso marinka”.

Waxa ay intaa ku dartay in xayiraadda ay ciidamada badda ee Maraykanku ku hayaan maraakiibta soo galaya iyo kuwa ka baxaya dekedaha Iran ay tahay in si buuxda loo qaado muddo 30 maalmood gudahood ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker