Madaxweynaha Iran oo sheegay in dalkiisu uusan doonayn hubka nukleerka

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisu “diyaar u yahay inuu caalamka u xaqiijiyo” in aanu rabin hubka Nukliyeerka, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

Wakaaladda wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah (IRNA) oo soo xiganeysa madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Telegram wuxuu ku yiri: “Kahor shahiidnimada Aayatullah Khamenei, hoggaamiyihii geeriyooday ee Iran, waxaan ku dhawaaqnay – waxaana ku celineynaa hadda – inaan diyaar u nahay inaan u xaqiijinno adduunka inaanan raadinin hubka nukliyeerka.”

Sida laga soo xigtay wakaaladda, madaxwaynuhu wuxuu intaa ku daray in Iran “aysan rabin xasillooni darrada gobolka” iyo in ay tahay “Maamulka Israa’iil … kuwa doonaya inay khalkhal geliyaan gobolka”.

Laakiin waxa uu sheegay in wada xaajoodayaasha Iran aysan “ka tanaasuli doonin sharafta iyo karaamada dalka”.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio uu ka dhawaajiyay in laga yaabo in madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqo gelinka dambe ee maanta wada xaajoodyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker