Iran oo sheegtay in aysan galin wax heshiis ah oo ku saabsan wareejinta nukleerkeeda
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ay soo tabineyso heshiis la sheegay in uu dhex maray Mareykanka iyo Iran.
Waxa ay sheegtay in Iran aysan samayn wax ballanqaad ah oo ku saabsan oo ku aadan in ay wareejiso walxaheeda nukliyeerka, inkastoo warar taa ka soo horjeeda ay baahiyeen warbaahinta reer galbeedka.
Wakaalada wararka ee xiriirka laleh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa ku warameysa in wada xaajoodka arinta Nukliyeerka dib loo dhigay ilaa “kadib dhamaadka suurtagalka ah ee dagaalka”.
Waxa ay sheegtay in heshiiska hadda jira uu ku kooban yahay oo keliya arrinta joojinta dagaalka, oo aysan ku jirin wax tafaasiil ah oo la xiriira barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.




