Ingiriiska oo soo dhaweeyay heshiiska ay wada gaadhayaan Ian iyo Maraykanka

Ra’iisul wasaaraha UK Keir Starmer ayaa soo dhaweeyay “horumarka laga gaaray heshiis dhexmaray Mareykanka iyo Iran”, isagoo intaas ku daray inay muhiim tahay in Iran aan marnaba loo ogolaan inay sameysato hub nukliyeer ah.

Isagoo wax ku qoray X subaxnimadii maanta, wax yar ka dib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio uu ka hadlay Hindiya, Starmer wuxuu yiri: “Waxaan u baahanahay inaan aragno heshiis soo afjaraya khilaafka oo dib u furaya marin biyoodka Hormuz, iyada oo shuruud la’aan ah oo aan xaddidnayn xorriyadda socdaalka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda UK ay sameyn doonto “wax walba oo aan awoodno” si dadka British-ka ah looga ilaaliyo saameynta dagaalka, isagoo intaa ku daray inuu la shaqeyn doono saaxiibada caalamiga ah si “looga faa’iidaysto xilligan oo loo gaaro heshiis diblomaasiyadeed oo waqti dheer ah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker