Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo cambaareeyay howlgal ka dhacay Degmada Dayniile
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u cambaareeyay howlgal ciidamada dowladda ay ka sameeyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheek inuu ka dambeeyo waxa uu ku tilmaamay “cabsi-gelin iyo afduub ka dhan ah shacabka.”
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerareen guryo ay degan yihiin dad shacab ah, islamarkaana ay afduubteen qaar kamid ah dadka deegaanka. Wuxuu ku tilmaamay falkaasi mid dhaawacaya xuquuqda shacabka iyo xasilloonida caasimadda.
Kheyre ayaa sidoo kale ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud inuu “siyaasad ku dhisan awood adeegsi” u wajahayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool degmada Dayniile.
Waxa uu sheegay in arrintani muujinayso, sida uu hadalka u dhigay, “cadaadis iyo barakicin lagu hayo shacabka.”
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay joojiso howlallada uu ku tilmaamay kuwa lagu cabsi-gelinayo shacabka, isagoo xusay in tallaabooyinka noocan ah ay sii kordhin karaan xiisadda siyaasadeed ee dalka ka jirta.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan hadallada siyaasadeed iyo is-maandhaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah mucaaradka Soomaaliya.




