Mareykanka oo joojiyay $14 bilyan oo hub ah oo uu ka iibin rabay Taiwan ‘dagaalka Iran awgeed’

Maraykanka ayaa sheegay inuu si ku-meel-gaar ah u hakiyay heshiisyo hub oo qiimahoodu yahay 14 bilyan oo doolar oo loogu talagalay Taiwan, si loo hubiyo inuu haysto kayd ku filan oo hub iyo rasaas ah haddii ay dhacdo dagaal suurtagal ah oo lala galo Iran.

Ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda ee Maraykanka, Hong Kao, ayaa arrintan xaqiijiyay intii lagu jiray dhageysi ka dhacay Golaha Senate-ka shalay.

Tallaabadan ayaa timid inkastoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uusan dhowaan mowqif cad ka qaadan arrinta iibinta hubka, isagoo sheegay inuu kala hadli doono Madaxweynaha Taiwan.

Xafiiska madaxtooyada Taiwan ayaa Jimcihii sheegay inuusan helin wax macluumaad ah oo ku saabsan “isbeddelka habraaca iibinta hubka” ee Maraykanka.

Iibinta hubka ee Maraykanka uu siiyo Taiwan ayaa muddo dheer ahayd arrin ka careysiisa Beijing; Shiinaha wuxuu Taiwan u arkaa qayb ka mid ah dhulkiisa mana aqoonsana ismaamulka jasiiraddaas, wuxuuna xitaa ka gaabsaday inuu meesha ka saaro suurtagalnimada isticmaalka xoog si uu ula wareego gacanta Taiwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker