Erdogan oo soo saaray amar lagu xirayo mid kamid ah jaamacadaha ugu faca weyn Turkiga

Mid ka mid ah jaamacadaha garda loo leeyahay ee ugu da’da weyn Turkiga ayaa lagu xiray amar uu soo saaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Istanbul Bilgi University, oo caan ku ahayd siyaasaddeeda furfuran iyo aragtiyada xorta ah, ayaa siddeedii bilood ee la soo dhaafay ay dowladdu maamulaysay, iyadoo shirkadda iska leh lagu baarayay eedeymo la xiriira lacag dhaqid iyo musuqmaasuq canshuuraha ah.

Milkiilayaasheeda, Can Holding, waxay maamulaan telefishanno waaweyn iyo sidoo kale dugsiyo.

Mustaqbalka in ka badan labaatan kun oo arday oo dhigta Jaamacadda Bilgi wali lama hubo.

Ardaydu waxay sheegeen in xarunta jaamacaddu wali furan tahay, isla markaana ay gelinka dambe ee jimcaha maanta ahdhigi doonaan bannaanbax.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker