Ciraaq, Uzbekistan, iyo Kazakhstan oo u diray gargaar bini’aadantinimo dalka iran

Ku-xigeenka madaxa hay’adda laanqeyrta cas ee Iran Iran ayaa sheegtay in Ciraq, Uzbekistan, iyo Kazakhstan ay gargaar bani’aadannimo u soo direen Iran, isla markaana deeqihii ay bixiyeen ay gudaha dalka soo gaareen.

Razia Alishundi ayaa tiri: “Gargaarkan waxaa ku jira cuntooyin, dawooyin, iyo qalab caafimaad oo la siiyay Ururka Bisha Cas si loo taageero howlaha gurmadka loona daboolo baahiyaha dadka nugul.”

Sida ay sheegtay hay’adda laanqeyrta cas ee Iran, ciraaq waxay Iran u dirtay 9 gaari oo xamuul ah oo sida ku dhowaad 180 tan oo cunto, dawooyin, iyo qalab caafimaad ah; Uzbekistan waxay dirtay 15 gaari oo sida 300 tan; halka Kazakhstan ay Iran ugu dirtay gargaar saaran 30 gaari tareen oo culeyskoodu yahay 1,700 tan.

Ku-xigeenka madaxa Ururka Bisha Cas ee Iran ayaa sheegtay in qayb “aad u badan” oo ka mid ah gargaarka Kazakhstan ay yihiin bur iyo sonkor.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker