Ghana oo maanta dib u celinaysa muwaadinteeda ka baxsanaya ajnabi nacaybka Koonfur Afrika
Koox muhaajiriin oo u dhashay Ghana kuna noolaa Koonfur Afrika ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu laabanaya dalkooda kadib diyaarad ay dowladdoodu si gaar ah ugu kiraysay.
Waxay ka cararayaan dibadbaxyo looga soo horjeedo muhaajiriinta oo ka socda magaalooyin kala duwan oo Koonfur Afrika ah, halkaas oo dibadbaxayaashu ay muhaajiriinta sharci darrada ah ku eedeynayaan mushahar hooseeya iyo shaqo la’aan.
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in in ka badan boqol muwaadiniinteeda ah ay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo diyaarad.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay rabshad kasta iyo falal dembiyeed kasta oo lala beegsado ajaaniibta ku nool dalkaas.
Bayaan uu hore bishan u soo saaray, Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalkiisu u baahan yahay inuu wax ka qabto socdaalka sharci darrada ah.




