Nuxrka Qodobada Lagaga Wadahadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland
Fadhigii 63-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 63-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:
𝟏) 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo xusay in guud ahaan ammaanka dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in dabaaldegyadii iyo Xafladihii Xuska 18-ka May ay si nabadgelyo ah oo qurux badan uga qabsoomeen dalka oo dhan. Wasiirku waxa uu si weyn u bogaadiyey doorka weyn ee Ciidamada, Hay’adaha ilaalinta Amniga Qaranka, Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka iyo Shacabka JSL ay ka qaateen u diyaar-garowgii iyo Xuska Maalinta Qaranka ee 18-ka May, iyada oo haba yaraatee wax dhib ah oo dhacday aanay jirin.
𝟐) 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee Dhaqaalaha Dalka iyo
saamaynta ay dagaallada Bariga Dhexe ku yeesheen Odoroska Dakhliga Qaranka uga soo xarooda Cashuuraha Kastamka, gaar ahaan saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ururinta Cashuuraha Barriga ay u socdaan sidii loogu talo galay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxa kale oo uu Golaha Wasiirrada u sheegay in mashaariicda ay maalgeliyaan World Bank iyo African Development Bank ay si wanaagsan u socdaan, taas oo ka dhalatay tayaynta nidaamka wada shaqaynta, isfahamka iyo hufnaanta ay Wasaaraddu la yeelatay Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah.
𝟑) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha, Mudane Siciid Sh. Maxamed Buraale ayaa Golaha Wasiirrada JSL siiyey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga iyo xasilloonida bariga Gobolka Sanaag isaga oo sheegay in Xaaladda guud ee amniga Bariga Gobolka Sanaag ay deggan tahay, isla markaana ay socdaan dadaallo ay Xukuumadda, Ciidamada Ammaanka iyo Madax-dhaqameedku ay ku xoojinayaan nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, kaddib shaqaaqooyinkii ka dhacay degaanno ka tirsan Bariga Gobolka Sanaag.
Wasiirku waxa uu sheegay in bulshada deegaannada ay shaqaaqooyinku ka dhaceen ay muujiyeen doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda, wadajirka iyo ka hortagga wax kasta oo keeni kara colaad ama qalalaase cusub. Wasiirku waxa uu ku taliyey in loo baahan yahay in Xukuumaddu ay xoojiso mashaariicda horumarinta adeegyada bulshada ee degaannadaasi.
𝟒) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐨𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐚𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐱𝐞𝐞𝐫𝐚𝐧:
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Dr Cumar Shucayb Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda Dhoofka Xoolaha isaga oo sheegay in dhoofka Xooluhu uu marayo heer wacan, qiimaha iibka xooluhuna uu kor u kacay, xilligan mooshinka Xajka. Wasiirku waxa kale oo uu iftiimiyey caqabadaha jira iyo saamaynta ay ku yeelan karaan silsiladda Dhoofka Xoolaha.
Wasiirku waxa uu sidoo kale Golaha u soo jeediyey talooyin la xidhiidha xoojinta tayada xoolaha, fududeynta dhoofka iyo ilaalinta suuqyada caalamiga ah ee xoolaha Somaliland.
Wasiirku waxa uu si gaar ah, hoosta uga xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in la hirgeliyo Deked (Livestock Terminal) u gaar ah Dhoofka Xoolaha, si loo sii adkeeyo awoodda suuqa dhoofka xoolaha nool ee aynu u dhoofinno Bariga Dhexe iyo adeegyada ka farcama.
𝟓) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟏𝟖-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐲:
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Agaasinka iyo qabanqaabada Xuska 18-ka May ayaa Golaha uga xog-warramay guud ahaanba qaabka Dalka looga xusay Maalinta Qaranka JSL ee 18-ka May.
Wasiirku waxa uu sheegay in debaaldegyadii maalinta Qaranka si heer sare ah looga qayb qaatay dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka dalka, isaga oo xusay in Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay munaasibadda u xuseen si nabadgelyo, kala dambayn, midnimo iyo si ay waddaniyadi ku dheehan tahay.
Guddidu waxa ay sidoo kale bogaadiyeen doorka Ciidamada Ammaanka, Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka iyo Shacabka JSL ay ka qaateen qabsoomidda iyo weynaynta Xuska Maalinta Qaranka JSL ee 18-ka May.
𝟔) 𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢 𝟔𝟑-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋:
Gabagabadii fadhiga 63-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagaga wada hadlay in Madaxweynaha Dowladda Israa’iil Mudane Isaac Herzog uu si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoomay Danjiraha Idman ee Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Israa’iil, iyada oo Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Israa’iil ay si rasmi ah u bilaabi doonto hawlaheeda.
Dhinaca kale, Goluhu waxa uu isla qaatay adkaynta amniga, midnimada iyo wadajirka Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo in Hay’adaha Xukuumaddu ay yeeshaan iska-war-hayn iyo wada-tashi joogto ah.
Xilligan ay sii kordhayaan falalka iyo dacaayadaha ka imanaya cadowga ka soo horjeeda jiritaanka Qaranka JSL, Goluhu waxa uu isla qaatay in Xukuumaddu ay ku hadasho hal cod oo mideysan, si looga hortago wararka been abuurka ah iyo isku day kasta oo lagu wiiqayo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.




