“Mareykanka wuu amakaagi doonaa hadii uu dagaal nala galo” – Cabaas Araqchi
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa ka jawaabay hanjabaadaha Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ee ku saabsan suuragalnimada weerar kale oo lagu qaado Iran.
Araqchi ayaa waxaa uu yiri:
“Maraykanku wuu amakaagi doonaa haddii uu mar kale uu dagaal nala galo.”
Araghchi ayaa digniintan ku sheegay fariin cusub oo uu ku daabacay bogga X, isagoo yiri:
“Bilo kadib markii uu bilowday dagaalka Iran, Kongareeska Maraykanku wuxuu ansixiyay burburinta tobannaan diyaaradood oo qiimahoodu gaarayo balaayiin doolar. Hadda si rasmi ah ayaa loo xaqiijiyay in ciidamadeenna xooggan ay noqdeen kuwii ugu horreeyay dunida ee soo rida diyaaradda dagaalka caanka ah ee Maraykanka ee F-35.”
Dhamaadka fariintiisa yaa waxaa uu sidoo kale ku yiri:
“Casharradii aan barannay iyo aqoonta aan kasbannay awgeed, ogaada Mareykanka waxaa uu la kulmi doonaa layaab kale.”
Shalay, madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu hakiyay qorshe weerar ballaadhan oo ka dhan ah Iran, kadib codsi uga yimid hoggaamiyeyaasha Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.




