Dad badan oo looga shakisan yahay inay qabaan cudurka Ebola oo dhintay iyo WHO oo ka digtay in tirada ay sii kororto
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in hadda ay jiraan 600 oo kiis oo looga shakisan yahay Ebola iyo 139 dhimasho oo la tuhunsan yahay, iyadoo la filayo in tirada ay sii kordho marka la eego waqtiga lagu ogaanayo fayraska.
Konton iyo kow kiis ayaa hadda laga xaqiijiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo – halkaas oo kiiskii ugu horreeyay laga soo sheegay – iyo laba ka mid ah Uganda oo deriska la ah, sida uu sheegay madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus Arbacadii.
Isagoo la hadlayay saxafiyiinta Geneva, wuxuu sheegay in faafitaanka nooca Bundibugyo ee Ebola ay u badan tahay inuu bilaabmay “laba bilood ka hor”.
Axaddii, WHO waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo caafimaad dadweyne oo walaac caalami ah, laakiin waxay sheegtay inaysan ahayn heer cudur safmar ah.
Ghebreyesus wuxuu sheegay in ka dib markii uu kulan la yeeshay Talaadadii, guddiga gurmadka degdegga ah ee hay’adda caafimaadka ay isku raaceen in xaaladdu aysan ahayn “xaalad degdeg ah oo safmar ah “.
“WHO waxay qiimeyneysaa khatarta cudurka faafa inay aad u sarreyso heerarka qaranka iyo kuwa gobolka iyo inay hooseyso heerka adduunka,” ayuu sharraxay.




