21 qof oo ay ku jiraan carruur oo lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Weerarrada cirka ee Israa’iil ayaa ugu yaraan 21 qof ku dilay koonfurta Lubnaan Talaadadii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka iyo warbaahinta dalkaas.

Laba iyo toban ka mid ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah iyo saddex dumar ah, ayaa lagu dilay hal weerar oo lagu qaaday guri ku yaal magaalada Deir Qanoun al-Nahr, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Qaranka ee dawladdu maamusho.

Milatariga Israa’iil ma uusan ka hadlin, laakiin waxay hore u sheegeen inay bartilmaameedsanayaan kooxda hubaysan ee Shiicada ee Xisbullah oo ay taageerto Iiraan. Hal askari oo Israa’iili ah ayaa la dilay Talaadadii markii Xisbullah ay weerartay ciidamada ku sugan qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan.

Weerarku wax uu kusoo aaday wax ka yar toddobaad ka dib markii Mareykanku sheegay in Lubnaan iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen in xabbad joojinta lagu kordhiyo 45 maalmood, iyadoo wadahadalladu dib u bilaaban doonaan bisha soo socota.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker