Maraykanka iyo Iran oo isku mari la’ waxa laga yeelayo barnaamijka nukliyeerka ee Iran

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Tehran iyo Washington ay galeen “xaalad ismariwaa ah” kadib khilaaf ka taagan arrinta yuraaniyamta la kobciyay ee Iran iyo guud ahaan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iran.

Araghchi ayaa sheegay inuu shaki weyn ka qabo sida ay Maraykanku uga go’an tahay heshiis dhab ah, isaga oo sidoo kale xaqiijiyay in Iran ay la tashiyo la yeelatay Ruushka, iyada oo Moscow ay Tehran talo ka siinayso sida ay u maaraynayso barnaamijkeeda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in Iran lagula heshiiyo in ay hakiso barnaamijkeeda nukliyeerka muddo 20 sano ah, haddii Tehran ay bixiso dammaanad “dhab ah” oo muujinaysa inay ka go’an tahay heshiis waara.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli walaac xooggan laga muujinayo xaaladda Bariga Dhexe, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ay sheegtay in colaadaha gobolka ay horseedeen “musiibooyin” waaweyn. Hadalkan ayaa yimid kadib kulan dhex maray Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa kordhisay duqaymaha ay ka waddo koonfurta Lubnaan, iyadoo weerarro lala beegsaday gaadiid iyo mootooyin, inkasta oo ay socdaan wada-hadallo u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan oo lagu doonayo heshiis amni oo waara.

Warbixintan aanu kasoo xiganay Al Jazeera ayaa muujinaysa in dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka ay weli wajahayaan caqabado waaweyn, iyadoo arrinta nukliyeerka Iran ay sii ahaanayso qodobka ugu adag ee wada-hadallada u dhexeeya Tehran iyo Washington.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker