Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 50 dagaalyahan lagu dilay howlgal ka dhacay duleedka Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay dileen ugu yaraan 50 xubnood oo isugu jira dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan, kadib howlgal qorsheysan oo laga fuliyay duleedka magaalada Baydhabo.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka uu yimid kadib weerar gaadmo ah oo shalay aroortii lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda oo ku howlanaa sugidda amniga deegaanka.

Sida lagu sheegay bayaanka, ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad militari oo loo adeegsanayay abaabulka weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda iyo shacabka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku eedeysay maleeshiyaad ay sheegtay inay taageersan yihiin Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen inay ka barbar dagaallameen Al-Shabaab, iyadoo tilmaantay in sheegashada weerarka ee kooxdaasi ay muujineyso “iskaashi toos ah” oo ka dhexeeya labada dhinac.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab. Sheegashada weerarka ee Khawaarijta ayaa muujinaysa in maleeshiyaadkaas ay noqdeen garab u adeegaya argagixisada, isla markaana khatar ku ah amniga qaranka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in aysan aqbali doonin “kooxo hubeysan oo dano siyaasadeed u adeegsanaya amniga,” isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo taageerta ama la shaqeysa Al-Shabaab.

Dhanka kale, wasaaraddu waxay tacsi u dirtay qoysaska askarta ku dhimatay weerarkii dhacay shalay, iyadoo ku tilmaantay “geesiyaal u shahiiday difaaca qaranka.”

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 50 dagaalyahan lagu dilay howlgal ka dhacay duleedka Baydhabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker