Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo war cusub soo saartay iyo culeysyo ay wajahayso

Adis-ababa (OWN)-Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inaysan wax qorshe ah ka laheyn inay beddesho tirada duullimaadyada gudaha dalka, inkastoo sahayda shidaalka uu saameyay dagaalka Iran isla markaana qiimaha shidaalku sare u kacay.

Shirkaddu waxay sheegtay in saameynta dagaalku ay tahay “ku-meel-gaar” hase-yeeshee aan ilaa hadda la hirgelin wax “qorsheyaal lagu yareynayo saameyntaas.”

“Duullimaadyadu waxay u socdaan sidii caadiga ahayd,” ayuu u sheegay BBC-da Lamma Yaddecha, oo ah madaxa ganacsiga ee shirkadda diyaaradaha, inkastoo qiimaha shidaalku kordhay sababo la xiriira dagaalka Iran.

 Qiimaha shidaalka ee Itoobiya ayaa saddex jibbaarmay tan iyo markii uu billowday dagaalka Iran.Qiimaha shidaalka diyaaradaha ayaa in ka badan laba jibbaarmay marka loo eego qiimihii shidaalka ee lagu dhawaaqay toddobaad ka hor 4-tii bishaan May.

Qiimaha baatroolka ayaa kordhay 169 birr, isagoo gaaray 319 birr iyo 67 senti halkii litir.Tan iyo markii uu billowday dagaalka Iran, qiimaha shidaalka diyaaradaha ee Itoobiya ayaa kordhay 183 birr.

Kadib kororka qiimaha shidaalka, waxaa soo baxay warar sheegaya in Ethiopian Airlines ay qorsheyneyso inay yareyso duullimaadyada gaagaaban iyo kuwa gudaha si loo dhimo kharashaadka.

Sarkaal ka tirsan shirkadda diyaaradaha ayaa BBC-da u sheegay in warkaas uu yahay mid aan sax ahayn.

Xigasho BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker