Soomaalida Minnesota oo weli ka baqaya howlgallada socdaalka ee Maraykanka

Qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa weli ku jira cabsi iyo hubanti la’aan, bilo kadib markii la sheegay in la dhimay howlgalladii ballaarnaa ee ay halkaasi ka wadeen saraakiisha socdaalka ee dowladda Maraykanka.

Howlgalladaasi, oo dhaliyay dibadbaxyo waaweyn oo dalka oo dhan ka dhacay kadib markii laba muwaadin oo Maraykan ah lagu dilay rabshado la xiriiray, ayaa si gaar ah u saameeyay magaalada Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin bulshada Soomaalida ugu badan ee ka baxsan qaaradda Afrika.

Cabdi, oo ah wiil Soomaali ah oo 23 jir ah, magaciisana loo beddelay sababo amni awgood, ayaa sheegay inuu wali ku nool yahay cabsi joogto ah oo ka dhan ah saraakiisha socdaalka ee ICE, kuwaas oo uu sheegay inay wali ka howlgalaan magaalada.

“Arrintu ma dhammaan,” ayuu yiri Cabdi, isaga oo tilmaamay in xubno ka tirsan bulshada ay u sheegeen in wali la sameeyo weerarro lagu qaado guryaha dadka Soomaalida ah. Wuxuu sheegay inuusan ogeyn xilliga ay albaabkiisa soo garaaci karaan.

Cabdi wuxuu sheegay inuusan hal meel ku nagaan wax ka badan shan habeen, isla markaana uu si qarsoodi ah shaqo ugu baxo. Qaar kamid ah saaxiibbadiis ayuu sheegay in la xiray inkasta oo ay haysteen dukumiintiyo muujinaya inay haystaan sharci ku meel gaar ah oo loo yaqaan TPS (Temporary Protected Status), kaas oo u oggolaanaya dadka kasoo jeeda dalalka colaadaha ama masiibooyinka ay ka jiraan inay si sharci ah ugu noolaadaan uguna shaqeeyaan Maraykanka muddo cayiman.

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa hore u doonayay in uu joojiyo TPS-ka Soomaalida bisha Maarso ee sanadkan, tallaabo la rumeysan yahay inay saameyn ku yeelan lahayd ku dhowaad 2,500 oo qof. Dowladda ayaa ku dooday in xaaladda amni ee Soomaaliya ay soo hagaagtay, balse garsoore federaal ah ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay qorshahaasi.

Dadaallada lagu doonayay in lagu joojiyo TPS-ka, howlgaladii ICE ee Minnesota, iyo hadallo ay Soomaalidu u arkeen kuwo meel ka dhac ah oo kasoo yeeray Madaxweyne Trump, ayaa sare u qaaday dareenka ah in bulshada Soomaalida si gaar ah loo bartilmaameedsanayo.

Minnesota waxaa muddo kooban la geeyay kumannaan askari oo ka tirsan ciidamada socdaalka, kahor inta aanu masuulka xuduudaha ee Trump, Tom Homan, ku dhawaaqin in la dhimayo tirada ciidamadaasi. Bishii Febraayo ayuu sheegay in halkaasi lagu reebi doono oo keliya ciidamo “kooban”.

Qiyaastii 260,000 oo qof oo asal ahaan Soomaali ah ayaa ku nool Maraykanka, sida ay sheegtay Hay’adda Tirakoobka Mareykanka. In ka badan kala bar dadkaasi waxay ku dhasheen dalka Maraykanka, halka kuwo badan oo kale ay qaateen jinsiyadda dalkaasi.

Soomaalida intooda badan waxay Maraykanka yimaadeen kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991. Dalka ayaa tan iyo markaas wajahayay colaado, abaaro iyo weerarro ay geysanayaan kooxaha hubeysan, gaar ahaan ururka al-Shabab .

Cabdi wuxuu Soomaaliya ka baxay sanadkii 2022 kadib markii, sida uu sheegay, xubno ka tirsan al-Shabab ay isku dayeen inay qortaan.

Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay bixiyeen ku dhowaad $15,000 si uu safarkaasi ugu baxsado. Safarkiisa ayuu ku maray Kenya iyo Brazil, kadibna wuxuu u gudbay kaymaha halista badan ee Darién Gap ee u dhexeeya Colombia iyo Panama — marin tahriib oo si weyn loogu yaqaan qatarta iyo dhimashada.

“Mar baan dul istaagay meyd qof dhintay,” ayuu yiri.

Markii uu gaaray xadka u dhexeeya Mexico iyo Maraykanka ayuu magangalyo codsaday, wuxuuna sidoo kale dalbaday TPS, taas oo u oggolaatay inuu si sharci ah ugu noolaado ugana shaqeeyo dalka ilaa sanadka 2029.

Si kastaba, qoysas badan oo Soomaali ah ayaa wali ka baqaya inay warbaahinta la hadlaan, gaar ahaan kuwa ay kala geeyeen masaafurinta ama xabsiyada socdaalka. Dadka la masaafuriyo waxay wajahayaan mamnuucid socon karta 10 sano ama ka badan oo ay dib ugu soo laaban karaan Maraykanka.

Cabdi wuxuu sheegay in inkastoo uu ku nool yahay cabsi iyo dhuumasho, haddana aanu diyaar u ahayn inuu Soomaaliya ku laabto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker