Raysal wasaaraha Hindiya oo dadka ugu baaqay inay yareeyaan iibsiga dahabka
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku boorriyay shacabka Hindiya inay dib ugu noqdaan ka shaqaynta guryaha, yareeyaan iibsiga dahabka, isla markaana yaraystaan safarrada dibadda si ay ula tacaalaan kororka qiimaha tamarta caalamiga ah ee ka dhashay colaadda ka socota Bariga Dhexe.
Modi ayaa sheegay in tallaabooyinkan dhaqaale, oo la mid ah kuwii la qaaday xilligii COVID‑19, ay ka caawin doonaan Hindiya inay yareyso isticmaalka saliidda isla markaana ay keydiso lacagta qalaad.
Hindiya waxay soo dejisaa ku dhawaad 90 boqolkiiba saliiddeeda, waxaana kharashaadka saliiddeedu ay kordheen balaayiin doollar kadib dagaalka uu Maraykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan, halka marinka istaraatijiga ah ee Hormuz, oo ah waddo ciriiri ah oo maraakiibta saliiddu maraan, uu xirnaa in ka badan laba bilood iyo bar.
Falanqeeyayaal ayaa sheegay in baaqa Modi, uu ka jeediyay isu soo bax ka dhacay Hyderabad ee koonfurta Hindiya maalintii Axadda, uu ka mid yahay tallaabooyinka ugu adag ee uu abid soo jeediyay.
“Waddaniyaddu kaliya ma aha inaad naftaada u hurto xudduudda. Xilliyadan, waxay tahay inaad si mas’uuliyad leh u noolaato kana gudato waajibkaaga qaran nolol-maalmeedkaaga,” ayuu yiri Modi.
“Xaaladdan hadda jirta, waa inaan si weyn diiradda u saarno ilaalinta lacagta qalaad,” ayuu intaas ku daray.




