Madaxweyne ku-xigeenka oo booqday Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Munaasibadda Maalinta Qaran ee Iskaalmaysiga iyo Isu-samafalka Shacabka JSL (𝟏𝟎-𝐀𝐚 𝐌𝐚𝐲) awgeed, booqasho ku tegay Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa, halkaasi oo uu xog warran kaga dhegaystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Agaasimaha Guud, maamulka iyo hawl-wadeennada Dhakhtarka weyn ee Hargeysa.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu booqday qaybaha kala duwan ee Dhakhtarka sida ICU-ga, Sifaynta Kelyaha iyo qaybta NCD-da isaga oo u kuur-galay habsami u socodka adeegyada caafimaadka iyo xaaladaha bukaan-jiifka. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu booqday Dhismaha Dhakhtarka Casriga oo ay maalgelisay Dawladda Dalka Taiwan.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in Maalinta Iskaalmaysiga Qaranka ee 10-ka May ay tahay maalin lagu xoojinayo damiirka bulshada, laguna muujinayo samafalka iyo taageerada dadkeenna jilicsan ama nugul ee u baahan garab istaag iyo daryeel bulsho.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha waxa uu bogaadiyey shaqaalaha caafimaadka ee heeganka ugu jira adeegga bulshada, isaga oo xusay in daryeelka dadka bukaanka ahi uu yahay masuuliyad Qaran iyo waajib bani’aadannimo oo mudan qaddarin iyo taageero joogto ah.
Booqashada Madaxweyne ku-xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee Xukuumadda ayaa qayb ka ahayd ololaha Qaran ee lagu xoojinayo dhaqanka iskaalmaysiga, isu samafalka iyo wadajirka bulshada Somaliland, si bulshada loogu dhiirrigeliyo in aan la illoobin dadka nugul iyo qoysaska duruufuhu saameeyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker