Iiraan oo si isdaba jooga ah ugu hanjabaysa Mareykanka xilli uu ka sugayo jawaabta wadahadalka
Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan xarumo Mareykan ah haddii la beegsado maraakiibta shidaalka ee Iiraan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Arrintan ayaa timid xilli Washington ay weli sugayso jawaabta Tehran ee ku saabsan soo jeedinteedii ugu dambeysay ee wadaxaajoodka.
Taliska ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in maalin kadib weerarro uu Mareykanku ku qaaday laba markab oo shidaal oo Iiraan leedahay oo marayay Gacanka Cumaan, “weerar kasta oo lagu qaado maraakiibta shidaalka iyo kuwa ganacsiga ee Iiraan uu horseedi doono weerar xooggan oo lagu qaado mid ka mid ah xarumaha Mareykanka ee gobolka iyo sidoo kale maraakiibta cadowga,” sida ay werisay warbaahinta dowladda Iiraan.




