Doorashooyinka Golaha wakiillada iyo golaha deegaanka oo ka socda Koonfur Galbeed
Deegaanno badan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya saaka waxaa ka socda doorashooyinka isku lammaanan oo ah kuwa golaha deegaanka iyo wakiillada maamulkaasi.
Doorashooyinkan oo ka dhacaya deegaanno ka tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada hoose ayaa dowladdu sheegtay in si nabad ah ay u socdaan ilaa iyo hadda.
Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in dadku ay u soo baxeen doorashooyinkan isku sidkan isla markaana ciidamada dowladda iyo Koonfur galbeed ay sugayaan amniga deegaannada doorashooyinku ka dhacayaan.
Sawirro laga soo qaaday goobahaas ayaa muujinaya dad safaf ugu jira dhiibashada codkooda.
Mar sii horreysay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in doorashooyinka isa saaran ay ka dhacayaan ilaa 13 goobaad oo ka tirsan deegaannada Koonfur Galbeed.
Doorashadan waxaa ku tartamaya sida guddigu sheegay ururro ka badan 10 oo soo gudbiyay murashixiintooda.




