Shiinaha oo si weyn ay u taabatay saameynta xidhnaashaha Hormuz

Shiinaha oo si weyn ay u taabatay saameynta xirnaashaha Hormuz

Soo dejinta shidaalka ee Shiinaha ayaa hoos u dhacday bishii Abriil, iyadoo gaartay heerkeedii ugu hooseeyay ku dhowaad afar sano, kadib markii xiritaanka Marinka Hormuz uu saameeyay waxyaabaha u socoda dalka ugu weyn ee soo dejinta saliidda ee adduunka.

Xog ay Sabtidan maanta ah soo saareen kastamada Shiinaha ayaa muujisay in soo dejinta saliidda cayriin ay hoos u dhacday 20% bishii Abriil, iyadoo noqotay 38.5 milyan oo tan marka loo eego isla muddada sannadkii hore. Tani waa heerkii ugu hooseeyay tan iyo bishii Luulyo 2022-kii.

Shiinuhu wuxuu ku tiirsan yahay Bariga Dhexe inuu ka helo ku dhowaad kala bar baahidiisa saliidda cayriin, waxaana xiritaanka marinkaas uu sababay hoos u dhac ku yimid tirada maraakiibta siday saliid iyo waxyaabaha la sifeeyay ee u gudbaya dunida inteeda kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker