Mareykanka oo sii wada tallaabooyinka sii adkeyn kara wadahadallada xilli arrintu gaartay Shiinaha
Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabatayn lagu soo rogay 10 qof iyo shirkado, oo ay ku jiraan hay’ado fadhigoodu yahay Shiinaha iyo Hong Kong, kuwaas oo ka caawiyey Iran dadaalladeeda milatari ee lagu soo iibsanayo hub iyo agab ceeriin ah oo loo isticmaalo samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed.
Sida ay sheegtay Reuters, tallaabadan ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa timid maalmo yar ka hor safarka uu qorsheynayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee uu ku tagayo Shiinaha si uu ula kulmo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, xilli dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka Iran ay hakad galeen.
Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay weli diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyin dhaqaale oo ka dhan ah kaabayaasha warshadaha milatariga ee Iran si Tehran aysan dib ugu dhisin awooddeeda wax-soo-saar ama aysan u ballaarin saameynteeda meel ka baxsan xuduudaheeda.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay inay tallaabo ka qaadi karto shirkad kasta oo ajnabi ah oo ku lug leh ganacsi sharci-darro ah oo lala yeesho Iran, oo ay ku jiraan shirkadaha diyaaradaha, isla markaana ay saari karto cunaqabateyn labaad hay’adaha maaliyadeed ee shisheeye ee taageera hawlaha Iran, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh warshadaha sifeynta madaxa-bannaan ee Shiinaha loona yaqaan “teapots.”
“Anagoo raacayna hoggaanka adag ee Madaxweyne Donald Trump, waxaan sii wadi doonnaa ilaalinta amniga Maraykanka, waxaana bartilmaameedsan doonnaa dadka iyo shirkadaha shisheeye ee hub siiya milatariga Iran si loogu isticmaalo ciidamada Maraykanka,” ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Besant.




