Diyaarad dab qabsaday oo dadkii saarnaa laga badbaadiyay

In ka badan 200 rakaab ah ayaa laga badbaadiyay diyaarad gudaha Maraykanka kadib markii ay diyaaraddu ku dhacday nin ku socday dhabaha ay diyaaraduhu ka kacaan, ka hor inta aysan duulin.

Duuliyuhu wuxuu joojiyay kacitaanka diyaaradda kadib dhacdadaas, sababtoo ah dab ka kacay mid ka mid ah matoorada diyaaradda.

Farriin cod ah oo laga duubay qolka kantaroolka duulimaadka, ayaa la maqlay, duuliyaha oo sheegaya in matoorka diyaaradda uu dab qabsaday.

Shirkadda diyaaradda leh ee Frontier ayaa sheegtay inay ka naxday dhacdada, isla markaana ay bilowday baaritaan rasmi ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker