Farmaajo oo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in xal laga gaaro muranka doorashada ka hor 15-ka May

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka, isaga oo sheegay in Jimcaha soo socda oo ku beegan 15-ka May 2026 ay ku eg tahay muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa sheegay in toddobaadka ka haray muddo xileedka Madaxweynaha loo baahan yahay in diiradda lagu saaro dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay, islamarkaana ay ku wada qancaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo kala qaybsanaan hor leh oo dalka ka dhacda.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah u sii deyso wariyeyaasha iyo dadka u istaagay difaaca bulshada la dhibaateeyey xilligan adag, isaga oo sheegay in tallaabooyinkaasi ay ka hor imaanayaan dastuurka iyo xeerarka dalka, ayna muujinayaan jihada uu sheegay in nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh u weecday.

Dhanka kale, madaxweyne hore Farmaajo ayaa dhaliilay hadal kasoo baxay dowladda oo ku saabsanaa in guryo loo dhisayo qaar kamid ah qoysaskii la barakaciyay Muqdisho, isaga oo ku tilmaamay arrin hoos loogu dhigayo cadaadiska iyo kacdoonka bulshada.

Waxa uu sheegay inaanay jirin qoondo hore loogu qorsheeyey miisaaniyadda dowladda oo loogu talagalay arrintaasi, xilli ay maalmo kooban uga harsan yihiin muddo xileedka dowladda hadda jirta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker