Nigeria iyo Koonfur Afrika oo xiisad culus weli ka dhex taagan tahay
South Africa ayaa walaac ka muujisay qorshaha Nigeria ay dib ugu celinayso muwaadiniinteeda doonaya inay dalkooda ku noqdaan. Wasiirka xidhiidhka caalamiga ah iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika Ronald Lamola ayaa la kulmay dhiggiisa Nigeria si ay uga wada hadlaan sidii loo dejin lahaa xiisadda u dhexeysa labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Nigeria Bianca Odumegwu-Ojukwu ayaa sheegtay in qorshaha daad-gureynta muwaadiniinta Nigeria uu wali socdo, iyadoo ugu baaqday maamulka Koonfur Afrika inay si dhab ah u baaraan dilalka lagu eedeeyay in Nigerians loo geystay.
Waxay sidoo kale walaac ka muujisay tacaddiyada iyo handadaadaha lagu hayo ardayda Nigeria ee wax ka barata iskuullada Koonfur Afrika. Lamola ayaa sheegay in hay’adaha waxbarashada ay ka shaqeynayaan ilaalinta carruurtaas.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa sidoo kale cambaareysay faafinta muuqaallo been abuur ah oo lagu baahinayo baraha bulshada kuwaas oo lagu sheegayo weerarro lagu qaaday ajaanibta. Wasiirka Madaxtooyada Khumbudzo Ntshavheni ayaa sheegtay in dibadbaxyada ay ka dhan yihiin dadka sharci darrada ku jooga dalka, balse aysan aqbali karin rabshado lala xidhiidhiyo mudaharaadyadaas.




