Khasaaraha ka dhashay weerarka ay Iiraan ku qaaday Ilaha shidaalka Imaaraadka

Wasaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa ku warantay in markab shidaal oo xiriir la leh shirkadda shidaalka ee Adnoc, oo ah shirkad shidaal oo ay leedahay dowladda, lagu beegsaday Gacanka Hormuz.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay in qarax uu ka dhacay mid ka mid ah maraakiibteeda oo ku sugnaa meel u dhow Imaaraadka Carabta.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay la tacaaleen 12 gantaal oo ballistic ah, saddex gantaal oo cruise ah iyo afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn.

Mas’uuliyiinta maxalliga ah ee Imaaraadka ayaa sheegay in qaraxyadaas ay sababeen dhaawacyo sidoo kale dekeddashidaalka laga dhoofiyo Fujairah uu soo gaaray dhaawac kadib markii lala beegsaday drone.

Abu Dhabi waxay weerarrada ku tilmaantay “daandansi dagaal oo halis ah” waxayna sheegtay inay xaq u leedahay inay ka jawaabto.

Telefishanka dawladda Iiraan ayaa soo xigtay sarkaal aan magaciisa la sheegin oo sheegaya in Iiraan “aysan qorsheynayn inay bartilmaameedsato ilaha shidaalka Imaaraadka”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker