Iiraan oo ka hadashay qorshaha cusub ee Trump ee Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa si adag u dhaleeceeyay howlgalka Mareykanka ee loogu magac daray “mashruuca Xorriyadda”, isagoo sheegay in uusan lahayn xal militari isla markaana uu sii kordhin karo xiisadda ka taagan Gacanka Hormuz.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii kordheyso, ka dib weeraradii dhawaan Mareykanku ku qaaday doomaha Iiraan ee ku sugan aagga ugu muhiimsan ee maraakiibta saliidda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay Aqalka Cad isagoo la hadlayay masuuliyiin iyo marti kale.

Khudbadda ayaa markii hore loogu talagalay inay diiradda saarto arrimaha gudaha, balse Trump wuxuu hadalkiisa ku bilaabay isagoo tixraacaya waxa uu ugu yeeray “isbeddel yar” oo ku saabsan Iran, waxaana uu sheegay in arrimuhu “si aad u wanaagsan u socdaan.”

Trump ayaan xusin xiisadda sii korodhaysa ee dhacday Isniintii, mana uusan ka hadlin saameynta suurtagalka ah ee ay ku yeelan karto qiimaha saliiddu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker