Hogaamiye milatari oo wasiir isu magacaabay
Hoggaamiyaha militariga ee dalka Mali, Jeneraal Assimi GoΓ―ta, ayaa la wareegay xilka wasiirka difaaca ka dib markii sarkaalkii hore u hayay xilka lagu dilay weeraro lama filaan ah oo dhacay.
Dalka Galbeedka Afrika ku yaala ayaa weli ku jira xaalad amni darro in ka badan toddobaad, ka dib markii isbahaysi ay leeyihiin jihaadiyiin iyo fallaago gooni-u-goosad ah ay bilaabeen weerarradooda guud ahaan dalka.
Intii uu socday weerarka, wasiirki difaaca, Sadio Camara ayaa lagu dilay qarax gaari oo ismiidaamin ahaa, kaas oo ka dhacay gurigiisa oo ku dhow caasimadda Bamako.
Wareegto laga akhriyay telefishanka dawladda Isniintii ayaa lagu sheegay in GoΓ―ta uu beddeli doono Camara oo ahaa wasiirki difaaca. Waxaa kaaliye u noqon doona taliyaha ciidanka, βJeneraal Oumar β Diarra, oo loo magacaabay ergeyga wasiirka.
Go’aanka GoΓ―ta ee ah inuu isku mar hoggaamiyo madaxtooyada iyo wasaaradda gaashaandhigga ayaa u badan tahay in loo fasiran karo isku day lagu doonayo in awoodda lagu xoojiyo xilli awooddiisa ay u muuqato mid halis ku jirta..




