Waqtigii loo qabtay Trump inuu helo ogolaanshaha Kongareeska si uu u sii wado dagaalka Iiraan oo la dhaafay
Waa la dhaafay waqtigii lagu waday in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku heli lahaa ogolaanshaha Aqalka Congress-ka Mareykanka, si uu u sii wado dagaalka uu kula jiro Iiraan.
Sida ku cad Dastuurka Mareykanka, dowladdu waa inay heshaa oggolaanshaha Kongareeska muddo 60 maalmood gudahood ah marka madaxweynuhu uu Kongareeska ku wargeliyo weerar militari oo ka dhan ah Iiraan ama, haddii loo baahdo, uu joojiyo weerarka.
Ha yeeshee, Xoghayaha Difaaca Mreykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uusan u baahnayn inuu raaco qodobbada sharciga dagaalka, isagoo sabab uga dhigay in heshiiska xabad joojinta ee lala galay Iiraan ay si ku meel gaar ah u hakinayo dhammaan qodobbada sharcigan.
Iiraan, dhankeeda, waxay sheegtay in xayiraadda sii socota ee Mareykanku ku hayo dekedaha ay jabisay heshiiska la gaaray.




