Maxkamad Kenya ah oo 10 sano ku xukuntay nin Soomaaliyeed oo lagu helay inuu la shaqeynayay Al-Shabaab
Maxkamad ku taalla deegaanka Kahawa ee dalka Kenya ayaa xukun 10 sano oo xabsi ah ku ridday nin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariim Xasanow Xasan, oo sidoo kale loo yaqaan Cali, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira ururka Al-Shabaab.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista (ODPP), Cabdikariim ayaa lagu eedeeyay inuu si toos ah ugu lug lahaa ka mid noqoshada, taageeridda, iyo qorista xubno cusub oo ku biira ururka Al-Shabaab.
Dambiyada lagu helay ayaa waxa ay Maxkamaddu sheegtay in Cabdikariim uu ka mid ahaa Al-Shabaab ama xiriir dhow la lahaa,a baabulay shirar lagu taageerayo ururka, Qoray dhalinyaro cusub oo lagu qancinayay inay ku biiraan Al-Shabaab, u fududeeyay safar ay dhalinyaro uga tageen gobolka Migori ee Kenya kuna aadeen Soomaaliya, iyo inuu Bixiyay taageero lacageed iyo hagitaan safar.
Maxkamaddu waxay dhageysatay marqaatiyaal gaaraya afar qof, kuwaas oo caddeeyay in eedeysanuhu door muuqda ka ciyaaray hawlaha ururka Al-Shabaab.
Garsooraha maxkamada Boaz Ombewa ayaa sheegay in caddeymaha la soo bandhigay ay muujinayaan in eedeysanuhu si toos ah uga qayb qaatay Qorista xubno cusub, Faafinta fikrado xagjirnimo, Abaabulka iyo maalgelinta hawlaha Al-Shabaab
Si kastaba ha ahaatee, garsooruhu wuxuu amray in dhammaan xukunada uu wajahay ninkaan ay noqdaan kuwo isla socda (concurrent), taasoo ka dhigan inuu eedeysanuhu si dhab ah u qaadan doono eed waliba iyo xukunkeedi oo min 10 sano gaaraya.
Maxkamaddu waxay sheegtay in caddeymaha iyo marqaatiyada la soo bandhigay ay si cad u muujinayaan in Cabdikariim Xasanow Xasan uu door muhiim ah ku lahaa abaabulka iyo taageeridda hawlaha Al-Shabaab, sidaas darteedna lagu helay dambiyada lagu soo oogay.




