Madaxweynaha Turkiga oo welwel ka muujiyay colaadda Bariga Dhexe
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo teleefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier, ayaa sheegay in dagaalka Iran uu “wiiqayo awoodda Yurub.”
Qoraal uu xafiiska Erdogan ku daabacay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay telefoon ku wada hadleen Arbacadii, isla markaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo dagaallada ka socda Iran iyo Ukraine.
Qoraalka ayaa u dhignaa: “Madaxweynaha Turkiga wuxuu xusay in dagaalka ka socda gobolkeenna uu sidoo kale daciifinayo Yurub, isla markaana haddii arrintan aan lagu wajihin hab ku saleysan nabad, khasaaraha ka dhasha muddada colaadda uu noqon doono mid aad u weyn.”




