JD Vance oo tagaya Pakistan
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, uu Talaadada ah ka ambabixi doono Mareykanka isla markaana uu tegi doono dalka Pakistan, siu u ugu qeynb galo wareegga labaad ee wadahadallada Iiraan.
Wefdiga Mareykanka ayaa la sheegay inay maanta baxayaan iyadoo Iiraan ay weli shaki ka muujineyso inay ka qeyb geli doonto wadahadaladaas iyo in kale.
Iiraan waxay ku andacoonesaa in aanay heshiis geli doonin ama ka qeyb qaadan donin wadahadallada iyadoo Mareykanku weli wado xanibaadda maraakiibta Iiraan e Marinka Hormuz.
Warbaahinta Axios, oo soo xiganaysa saddex ilo oo Mareykan ah, ayaa ku warantay in Vance uu bixi doono subaxnimada Talaadada maanta ah.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CNN, in wareeg labaad oo wadahadallo ah oo u dhexeeya ergooyinka Mareykanka iyo Iiraan hadda la qorsheeyay in lagu qabto Islamabad Arbacada berri ah.
Sida aan horay u soo sheegnay,weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ka timid dhanka Iiraan oo ku saabsan inay ka qeyb gali doonto wadahadallada iyo in kale, laakiin ilo wareed ayaa BBC u sheegay Isniintii, in wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayo Vance ay dhawaan u safri doonaan Pakistan.
Trump waxaa uu sheegay inuusan qaadi doonin xnibaadda maraakiibta Iiraan ee marinka Hormuz, ilaa heshiis lala gaaro Iiraan.




