Iiraan oo mar kale si adag uga hadashay wadahadalada la filayo
Iiraan oo mar kale si adag uga hadashay wadahadalada la filayo
Maxamed Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in Tehran aysan aqbalin “wadaxaajoodyo hanjabaado la socda”.
Qalibaf ayaa qoraal uu ku qoray barta X ku yiri: “Isagoo go’doon soo rogaya oo jebinaya xabad joojinta, Trump wuxuu doonayaa inuu miiskan gorgortanka u rogo miis is-dhiibis ah ama uu qiil u sameeyo dib u hurinta dagaalka, sida uu u arko inay ku habboon tahay”.
Madaxa kooxda wadaxaajoodka Iiraan ayaa yiri: “Ma aqbalno wadahadallo wata hanjabaado, labadii toddobaad ee la soo dhaafayna waxaan isu diyaarinaynay inaan muujinno kaarto cusub oo dagaalka ah




