Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka Hadlay Xaaladda Nabadgelyada iyo Dadka Qaxoontiga ku sugan JSL

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay nabedgalyada iyo xasiloonida guud ee dalka, Guddoomiye Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay Xaaladda Dadka Qaxoontiga ah eek u sugan Dalka Somaliland, waxaanu arrintan kaga hadlay fadhi muhiim ah oo Golaha Guurtida Somaliland shalay ku yeeshay xarunta Golaha,

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo nidaamka dalka, isagoo sheegay in dadka ajanabiga ah ee dalka ku jooga magangelyo ahaan ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan shuruucda dalka. Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sidoo kale sheegay in qof kasta oo sharciga dalka ku xadgudba, gaar ahaan dadka ajanabiga ah, lala tiigsan doono tallaabo sharci ah, oo ay ka mid tahay xabsi iyo dib u celin.

Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo arimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi โ€œWax cusub maaha dadka qaxoontinimo inagula jooga inaguba meelwalba qaxoontinimo ayaynu ku joogna aduunka oo dhan,qofka ajanabiga ee magangalyadii uu dalka ku joogay ixtiraami waaya sharciga ayaa loo gudbinayaa xabsina wuu gali,marka uu ka soo baxana waynu iska mastaafurin magangalyadii uu dalka ku joogayna wuu waayayaa.hadii inagu soo noqdaan xabsi dheer ayay gali doonaan.wado ayaanay inaga dhigteen inta badan waxa inoo dhaafaan xaga Sacuudiga.dadka dalka soo galay sharci ayay ku joogaan waana in aynu u dul qaadano dadka inoo imanaya.waxa dambiga galaa waa wax yar oo farokutirisa oo dhalinyara u ma dhama dadka dalka soo galay ee qaxoontiga ahโ€.

Sidoo kale Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu tilmaamay in nabad qaateen labadii beelood ee walaalaha ee dagaalka dhex maray ee Gobalada Awdal iyo Salal.Waxaana uu yidhiโ€Labada beelood ee Gobalada Awdal iyo Salal nabadii waa qaateen waa in xaqiiqo laga dhigo.isku eegi mayno way inagu raagtay guddi ayaynu u saarnay,โ€.

Dhinaca kale Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in la fuliyo goโ€™aamadii laga soo saaray dhacdadii Shidan.โ€Nabedgalyada labada dhinac ee Shidan goโ€™aaamo ayaa laga gaadhay waa in la fuliyo.โ€

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker