Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maraykanka oo sheegtay qofka Trump ku riixay dagaalka Iiraan
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maraykanka, Kamala Harris, ayaa sheegtay in Donald Trump uu dagaalka Iraan ku riixay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Ma aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo ku saabsan sheegashadan, balse waxay ku adkaysatay in dadka Maraykanku aysan doonayn iskahorimaadkan.
Iyadoo ka hadlaysay munaasabad ay lahaayeen haweenka xisbiga Dimuqraadiga oo ka dhacday Michigan, Ms. Harris waxay sheegtay in Madaxweyne Trump uu dagaalka u isticmaalayo inuu indhaha dadka kaga leexiyo faylal lala xiriirinayo dambiilihii galmada ee geeriyooday Jeffrey Epstein oo la baahiyay.
Toddobaadkii hore, Ms. Harris waxay sheegtay inay si firfircoon u tixgelinayso inay mar kale u tartanto xilka madaxtinimada, ka dib markii looga guuleystay isku daygii hore ee ay kula tartantay Mr. Trump.




