Madaxweynaha Somaliland oo Golaha Guurtida U Gudbiyaay Warqadii Mudo Kordhinta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Golaha Guurtida Somaliland u gudbiyey warqad uu kaga dalbanayo in ay go’aan ka gaadhaan wakhtigan lagu qabanayo doorashooyinka Wakiilada iyo deegaanka kuwaas oo hadda ay dhammanayso shantii sano ee sida sharciga loo doortay.
Xukuumadda ayaa doonaysa in lagu kordhiyo 10 kii bilood ee ay codsadeen guddida doorashooyinka Somaliland balse xogtu waxa ay sheegaysaa in Guurtidu qaadan doonaan go’aan ka badan 10 bilood.




