Abiy Axmed oo sheegay in Geeska Afrika ayna nabad ka hirgeli doonin inta Itoobiya bilaa bad tahay
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in Geeska Afrika aanu heli doonin nabad iyo xasillooni waarta haddii Itoobiya ay sii ahaato dal aan marin badeed lahayn.
Wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka Itoobiya ee Telefishinka Qaranka Itoobiya (EBC), ayuu Abiy ku sheegay in deked la’aantu ay si toos ah u saameyso horumarka dhaqaalaha iyo tartanka caalamiga ah ee Itoobiya.
“Waxyaabaha ugu waaweyn ee Itoobiya u diidaya inay noqoto dal isku filan oo la tartami kara dhaqaalaha caalamka waa dekedo la’aan,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta xiisadaha Bariga Dhexe, gaar ahaan xidhitaanka marin-biyoodka Hormuz, isaga oo sheegay in ay saameyn ku yeelatay dalal badan oo ay Itoobiya ka mid tahay.
“Qof kasta wuu fahmi karaa in marin-biyoodka Hormuz uu yahay arrin nolol iyo geeri ah,” ayuu yidhi, isaga oo ka digay saameynta ay leedahay hakadka ku yimaadda marinnada ganacsiga caalamiga ah. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shacabka Itoobiya ugu baaqay in ay yareeyaan isticmaalka shidaalka inta laga helayo xal waara oo ku saabsan caqabadaha saadka iyo tamarta.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya, oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan Afrika, ayna sii ahaan karin dal aan marin badeed lahayn, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid si toos ah u saameynaysa jiritaanka dhaqaale ee dalka.
Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay wado qorshayaal lagu yareynayo ku tiirsanaanta dekedaha deriska, sida horumarinta tareennada, waddooyinka waaweyn iyo xarumaha kaydka badeecadaha.
Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in xalka muddada fog uu yahay in Itoobiya hesho marin badeed, isaga oo ku baaqay in arrintaas lagu xalliyo wada-hadal iyo isfaham heer gobol ah.
Raysal Wasaaraha Itoobiya, ayaa ku jira dadaalo uu dalkiisa ugu raadinayo marin-badeed, isaga oo raba in Itoobiya ay yeelato marin-badeed ay si toos ah u maamusho oo ay wax kala soo dagto kana dhoofiso.




