Wasiirka Difaaca Israel: Howlgalka ka dhanka ah Xisbullah ‘wali ma dhameystirna’
Israa’iil ayaa ka digtay in kumannaan rayid Lubnaaniyiin ah oo barakacayaal ahaa, kuwaas oo dib ugu laabanaya guryahooda koonfurta Lubnaan, laga yaabo in mar kale la daadgureeyo haddii dagaalku dib u qarxo, sida ay sheegtay AFP.
Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa bayaan uu baahiyay ku sheegay in weerarrada ka socda Lubnaan “ay gaareen guulo badan”, balse howlgalka ka dhanka ah Xisbullah uu “wali dhammaystirneyn”.
Wuxuu yiri:“Haddii dagaalku dib u bilaabmo, dadkaas dib ugu soo laabanaya aagga amniga waa in mar kale la daadgureeyo si loo dhammeystiro howlgalka.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Israa’iil ay sii hayn doonaan dhammaan goobihii ay “nadiifiyeen oo ay qabsadeen”, sida ay werisay Reuters.
Dhanka kale, iyadoo laga falcelinayo xabbad-joojinta lagu dhawaaqay Khamiistii, Hezbollah ayaa sheegtay: “Xabbad-joojin kasta waa inay noqotaa mid dhammaystiran oo ka dhaqan gasha dhammaan dhulka Lubnaan, isla markaana aysan siin cadawga Israa’iil wax xorriyad dhaqdhaqaaq ah.”




