Pakistan oo hadda war cusub soo saartay

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa soo dhaweeyay wararka ku saabsan xabbad-joojinta 10-ka maalmood ah oo u dhaxaysa Israel iyo Lebanon, isagoo ammaanay Madaxweyne Donald Trump dadaalladiisa diblomaasiyadeed ee “geesinimada leh oo xikmadaysan”.

Sharif wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay taageerada “aan leexleexadka lahayn” ee dalkiisu u hayo madaxbannaanida dhuleed ee Lubnaan.

Wadahadallada u dhexeeya Israel iyo Lubnaan waxaa toddobaadkan martigeliyay Mareykanka waxaana ay ka dhaceen magaalada Washington, D.C., taasoo astaan u ah tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

Arrintan waxay sidoo kale ku soo beegantay ka dib burbur ku yimid wadahadalladii u dhexeeyay Iran iyo Mareykanka, kuwaas oo ay martigelisayPakistan, dhammaadkii usbuucii hore.

Islamabad waxay gacan ka geysatay dhexdhexaadinta xabbad-joojin laba toddobaad ah oo hadda u dhexeysa Iran, Mareykanka, iyo Israel, waxaana jira warar sheegaya in taliyaha ciidanka Pakistan uu Khamiistii kula kulmay mas’uuliyiin Iiraan ah magaalada Tehran, si loo kordhiyo heshiiskaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker