Awoodda Korontada Itoobiya oo gaartay 10,000 Megawatt
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa ku dhawaaqay in awoodda koronto-soo-saarka dalka ay gaartay 10,000 megawatt, taas oo markii oo 6 sano ka hor ahayd 4,000 megawatt.
Isagoo maanta ka hadlayay munaasabadda furitaanka mashruuca Assela Wind Farm ee ku yaalla gobolka Oromia, Abiy wuxuu carrabka ku adkeeyay in dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyay waaxda tamarta ay kor u qaadday awoodda guud ee koronto-soo-saarka dalka.
Beerta Dabaysha laga dhaliyo Korantada ee Assela, oo si rasmi ah loo furay shalay, ayaa wax ka badan 100 megawatts ku biirinaysa koronto-dhaliyaha qaranka.
Xaruntan ayaa ka kooban 29 marawaxan oo midkiiba uu qaadi karo 3.46MW, waxaana lagu dhisay taageero dhaqaale oo aad u badan oo ay bixisay dowladda Denmark, waxaana ku baxay ku dhawaad 145 milyan oo Yuuro.




