Israa’iil oo safiir usoo magacowday Somaliland
Dowladda Israa’iil ayaa si rasmi ah safiir ugu magacowday Somaliland, kadib aqoonsigii ay siisay sannadkii hore, iyada oo la filayo in danjiruru uu dhawaan waraaqaha aqoonsiga guddoonsiin doono Madaxweynaha Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in guddiga magacaabista wakiillada dibadda, oo uu guddoominayo wasiirka arrimaha dibadda Gideon Sa’ar, uu ansixiyay magacaabista safiir cusub oo loo dirayo Somaliland.
Diblomaasiga la magacaabay ayaa ah Michael Lotem, oo leh waayo-aragnimo dheer oo dhinaca diblomaasiyadda ah, isla markaana hore uga soo shaqeeyay dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Kenya, Azerbaijan iyo Kazakhstan.
Magacaabista safiirkan ayaa imanaysa kadib markii Raโiisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu bishii December 2025 ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland, taas oo ahayd markii ugu horreysay ee dal si rasmi ah u aqoonsado.
Dhanka Somaliland, Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hore u magacaabay safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, taas oo muujinaysa is-dhaafsi diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dhinac.
Masโuuliyiin ka kala tirsan labada dhinac ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallo lagu xoojinayo xidhiidhka, isla markaana lagu ballaadhinayo iskaashi dhinacyo kala duwan leh sida ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo amniga.
Ilaa hadda, ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan furitaanka safaarado joogto ah, balse magacaabista safiirka ayaa loo arkaa tallaabo muujinaysa horumar ku yimid xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland.




