Warrarkii ugu dembeeyey xaaladda marinka Hormuz iyo maraakiibta ka gudubtay ka dib go’doominta Maraykanka
Tan iyo markii ay bilaabatay go’doominta Maraykanka maalintii Isniinta, 15 markab ayaa gudbay marinka Hormuz, iyadoo sagaal ka mid ah ay xiriir la leeyihiin Iiraan, sida lagu ogaaday falanqayn ay BBC Verify ku sameysay xogta dabagalka maraakiibta.
Taliska Dhexe ee Maraykanka, Centcom ayaa sheegay in go’doomintu ay quseyso dhammaan maraakiibta galaya ama ka baxaya dekedaha Iiraan. Waxay intaas ku dareen in maraakiibta maraysa Marinka Hormuz ee ku socda ama ka imaanaya dekedaha ee aan ahayn kuwa Iiraan aan la horistaagi doonin.
Warbixin ay Centcom soo saartay maalintii Talaadada, waxay ku sheegtay in 36-kii saac ee ugu horreeyay aysan jirin wax maraakiib ah oo ka gudbay go’doominta, isla markaana lix markab ay u hoggaansameen awaamiirta ah inay dib u laabtaan.
Xogta dabagalka ayaa muujinaysa in lix ka mid ah maraakiibta gudubtay marinka ay horay u soo mareen deked ku taalla Iiraan.
Ma aynaan awoodin inaan xaqiijino sheegashada Maraykanka ee ku saabsan tirada maraakiibta dib loo celiyay, balse xogta dabagalka ayaa tilmaamaysa in ugu yaraan hal markab oo donayey inuu ka gudbo marinka uu dib u laabtay.
Markabka shidaalka ee Rich Starry, oo uu Maraykanku cunaqabateeyay, ayaa u shiraacday dhanka bari isagoo ka yimid Sharjah soona maray marinka, balse wuu soo laabtay wuxuuna dib ugu gudbay dhanka Gacanka maalintii Arbacada.
Intaas waxaa dheer, laba markab oo laga leeyahay Iiraan ayaa la arkay iyagoo ka baxaya nawaaxiga dekedda Chabahar ee Iiraan oo ku taalla bariga Marinka Hormuz, xeebta koonfureed ee Iiraan, ka dib markii ay bilaabatay go’doominta.




