Wafti ka socda Pakistan oo gaaray Tehran, yaase hoggaaminaya

Wafdi ka socda Pakistan, ah dowladii dhexdhexaadisay wadahadalladii asbuucii hore Iiran iyo Maraykanka ku dhexmaray Islamabad ayaa gaaray magaalada Tehran.

Waxaa wafdiga ka mid ah Field Marshal Asim Munir oo uu hore Donald Trump ugu tilmaamay inuu yahay “mid uu aad u jecel yahay” iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mohsin Naqvi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay ergada Pakistan ee Qaramada Midoobay.

Mar sii horreysay, warbaahinta dowladda Iiraan ee IRIB ayaa sheegtay in wafdigu uu gudbinayo farriin ka timid Maraykanka isla markaana uu qorsheynayo wareeg labaad oo wadahadallo ah. Wareeggii koowaad ee ka dhacay Islamabad dhammaadkii usbuucii hore ma keenin heshiis.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Muhammad Shehbaz Sharif, ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya, si uu “aragti uga wada hadlo xaaladda gobolka,” sida ay sheegtay xafiiskiisa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Bakistaan Muhammad Shehbaz Sharif ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya, si uu “isweydaarsi fikradeed ugala yeesho xaaladda gobolka,” sida uu sheegay xafiiskiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker