Spain oo ansixisay qorshe farxad u ah muhaajiriinta dalkaas ku sugan

Dowlada Spain ayaa oggolaatay qorsheyaal lagu siinayo aqoonsi 500,000 oo muhaajiriin ah oo aan sharciyeysneyn, taasoo u oggolaaneysa in si rasmi ah loogu daro shaqada.

Ra’iisul Wasaare Pedro Sánchez ayaa go’aanka dawladdiisa ku tilmaamay mid ah “fal caddaalad ah” iyo arrin daruuri ah oo ay u baahan tahay Spain.

Qoraal uu u diray dadka reer Spain oo uu soo dhigay baraha bulshada, Sánchez oo ah hanti-wadaag, ayaa sheegay in sharcigan guud looga golleeyahay “in lagu qiro xaqiiqada ku dhowaad nus malyuun qof oo haddaba qayb ka ah nolosheenna maalinlaha ah”.

Xisbiga mucaaradka ah ee Conservative-ka ee dalka Spain (PP) ayaa ballan-qaaday inuu isku dayi doono inuu hor istaago sharciyeyntan, iyagoo sheegay inay dhiirrigelin u tahay muhaajiriinta sharci-darrada ah, ayna keeni doonto in qaar kale oo badani yimaadaan.

Qorshaha dawladdu wuxuu muhaajiriinta bilaa waraaqaha ah siinayaa oggolaansho degganaansho oo hal sano ah, kaas oo dib loo cusboonaysiin karo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker