Somaliland oo qabatay shir lagaga tashanayo amniga marinada badda oo wajahaysa khatar ammaan
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa qabatay kulan saddex-biloodle ah oo ku saabsan isku-duwidda amniga badaha, kaas oo ka dhacay magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka soo qaybgaleen hay’adaha muhiimka ah ee xukuumadda u qaabilsan ilaalinta amniga badda.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda isbeddelaysa ee amniga badaha, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyey khataraha soo koraya iyo sida loo xoojin karo isku-duwidda heer xukuumadeed si looga jawaabo horumarrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee saameynaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Somaliland oo leh xeeb aad u dheer, oo ku taalla marin muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamiga ah, ayaa leh muhiimad istiraatiiji ah. Ka qaybgalayaashu waxay hoosta ka xariiqeen dadaallada joogtada ah ee Somaliland ay ku ilaalinayso xasilloonida badaha, oo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, dambiyada xuduudaha ka gudba, iyo shabakadaha tahriibinta.
Sidoo kale, kulanku waxa uu iftiimiyey kakanaanta sii kordhaysa ee amniga badaha, taas oo ka dhalatay isbeddellada juqraafiyeed ee saameynaya marinada ganacsiga caalamiga ah. Arrimahan ayaa si toos ah u taabanaya amniga gobolka iyo qulqulka ganacsiga adduunka, taas oo muujinaysa baahida loo qabo iskaashi iyo isku-duwid xooggan.
Somaliland ayaa sheegtay inay xaqiijinayso ka go’naanteeda ku aaddan xoojinta iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka iyo beesha caalamka, gaar ahaan ilaalinta badbaadada marinada badda. Waxaa sidoo kale la adkeeyey muhiimadda ay leedahay dhowrista xorriyadda maraakiibta, ku dhaqanka sharciga caalamiga ah, iyo iskaashi ku dhisan is-ixtiraam iyo dan wadaag amni.
Ka qaybgalayaashu waxay isla qaateen in la xoojiyo nidaamka wacyigelinta amniga badaha (Maritime Domain Awareness – MDA), iyadoo la horumarinayo wada shaqaynta hay’adaha, la kordhinayo is-weydaarsiga xogta, isla markaana la mideynayo jawaabaha laga bixinayo khataraha soo baxaya.
Ugu dambayn, kulanku waxa uu ku soo gebogeboobay ballan-qaad cusub oo lagu horumarinayo amniga badaha, lagu xoojinayo xasilloonida gobolka, isla markaana Somaliland ay qayb ka qaadato dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo biyaha caalamiga ah.




